Ereyga Maanta: qawadid
eedsasho  eeg eedso.
eedsheegasho  eeg eedsheego.
eedsheego  Godob laga galay sheegasho.
eedsii  Fal, arrin iwm ah oo cidi samaysay in ay natijijo xun kala kulanto gayeysiin.
eedsiin  eeg eedsii. ld eedsiis.
eedsiis  ld eedsiin.
eedso  Fal, arrin iwm samayntooda natiijo xun kala kulmid.
eeg  1. eegga: waqtiga markaa la joogo; imminka, hadda. 2. eeggayga, eeggaga iwm: markayga, markaaga iwm.
eeg1  1. Meel laas u eg. 2. Meel la qoday oo biyuhu fariistaan. eeg2  1. Qof ama wax indho ku hayn. Tus. “Beerta eeg”. 2. Soo ee.: booqasho ku tegid (meel). Tus. “Cali oo jiraan baan soo eegay”. 3. Ka ee.: halis ka ilaalin. Tus. “Carruurta dabka kaa eeg”. 4. Ku ee.: wax ku tijaabin. Tus. “Albaabka furaha ku eeg”. 5. Isu ee.: isbarbardhigid dad, waxyaabo, arrin iwm. Tus. “Labada qoraal isueeg”. 6. Iska ee.: wax, waxyeelladooda ka foojignaan. eegi  Meel sarreysa oo si fiican hareeraha looga arki karo.
eegid  eeg eeg².
eegmo  Daymo; fiiro.
eel  Dhibaato aad u ballaaran.
eelo  Deero.
eeraan  1. Socod ama orod badan. 2. Ee. ah: nooc geela ka mid ah oo dhaadheer.
eeraarin  (bot.) Geed faalala oo leh xidido laga sameeyo xargaha adag sida dawliska iwm.
eerg  (fiis.) Halbeegga C.G.S. ee tamarta. 1 eerg = 10 juul.
eeri  Koob weyn oon dheg lahayn oo muqmadda lagu dhigo.
eeridhaban  ld eridhaban.
eeriggo'an  ld geeriggo'an.
eersad  ld eersasho.
eersasho  eeg eerso. ld eersad, eersi.
eersi  ld eersasho.
eerso  Dhibaato dhacday cid u aanayn. Tus. “Muraayadihii iga jabay Axmed baan u eersanayaa”.
eex  Garsoor aan caddaalad lagu fulin oo cid xaqeeda lagu seejiyo. ld eexo¹.
eexasho  eeg eexo².
eexayn  eeg eexee.
eexaysasho  eeg eexayso. ld eexaysi.
eexaysi  ld eexaysasho.
page : 4 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 >