Ereyga Maanta: qawadid
ekee  1. Xolo meel ku caashaqid. 2.(f.g) Labo wax ama ka badan wax isle'eg ka dhigid. 3. (f.mg) Ku e.: wax meel ku joojin. 4. (f.mg) Isu e.: wax qaabkiisa isu yeelid.
ekinokookas  (baay.) Deriskunoole ka mid ah qaybta “Tapeworms” dhererkiisu gaaro 8 mm.
ekisrey  (fiis.) Fallaaro elektaromagnee- tiyeed oo leh dherermowjadeed aad u gaaban (beyond the ultraviolet) kuwaaso leh awood weyn oo ay ku dhex galaan walaxda uusan ifku dhex mari karin. Fallaraha ekis waxay sameysmaan marka elektaroons tamar aad u sarreysa leh ay ku dhacaan maaddo. Waxa loo isticmaala cuduraqoonsi ee farsamada raadiyo- graafiga iyo noocyada qaarkood raajo ku daaweynta.
ekistarasistol  (daaw.) Garaac wadne oo ka bilowdey meel ahayn halkuu caadi ahaan ka bilawanjiray, “Sinoatrial node”.
ekogaraafi  (daaw.) Farsamada adeegsata mawjadaha ultarasawndiga ah si loo darso qaabka gudaha ee jirka.
ekokardiyogaraafi  (daaw.) Isticmaalka mawjado ultrasawnd ah si loo ogaado shaqada iyo garaaca wadnaha.
ekow  1. Xoolo meel ku baahid. 2. Ku e.: meel ku sugnaan. 3. U e.: wax, wax kale muuqaalkiisa leh noqosho. 4. La e.: wax, wax kale la jin ah noqosho.
elegtroonig  Habab kala duwan oo ay adeegsadaan aaladaha elegtaroonka ku shaqeeya sida raadarada, telefeeshinnada, combiyuutarka iwm. ld eletaaroonig, eletroonig.
elektarogardiyogaraam (EKG)  (daaw.) (EKG) Ku qorista, shaqo koronteedka wadnaha warqad socota dusheed.
elektaroon  (fiis.) Saxar saleed sita saldanab tabaneed.
elektaroon-kaaftoon  (kiim.) Elektaroon dibedeedka atamka ee ka qayb gala samaynta dabarrada kiimikaad.
eletaaroonig  ld elegtroonig.
eletroonig  ld elegtroonig.
elji  Goodir lab oo aad u da'weyn.
embolas  (daaw.) Walax, sida: xinjir, dufan, hawo, xabka ilamaha, dhiigaa raaca ka dibna ku joogsada meel oo xididka awda; dhiiggana halkaas wareegiisa ku joojiya.
emen  Meel jiq ah oo dhirtu ku badantahay kuna fiican ku dhuumashada, badanaana dugaagga aan laga waayin.
emfiseema  (daaw.) Ereygu wuxu ka soo jeedaa gariig micnihiisuna waxa weeye “dabeyl gashay soohyada” waxaase loo isticmaalaa xaalad cudur gaar u ah sambabada taaso ay keentay jiidmadii iyo isku soo roorkii (elasticity) sambabada oo luntay. Waxa yaraada isdhaafshadii O2 iyo CO2 markas waxaa timaadda dhibaato neefsasho.
endoorfiino  (baay.) Dareen-mootiye bebtoyd ah oo laga helo qanjidhka bituwitary iyo haybutalmaska, kaasi oo leh astaamaha kaar jebiyaha.
engeg1  Wax aan qoyanayn. engeg2  Wax qoyanaa qalalid. engegan  Wax qalalay ahaansho.
engegid  eeg engeg².
engegnaan  eeg engegan. ld engeg- naansho.
engegnaansho  ld engegnaan.
engegsad  ld engegsasho.
engegsan  Wax engegay ahaansho.
engegsanaan  eeg engegsan. ld engegsanaansho.
engegsanaansho  ld engegsanaan.
engegsasho  eeg engegso. ld engegsad, engegsi.
engegsi  ld engegsasho.
page : 6 of 9
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 >