idlaysasho eeg idlayso.
idlayso 1. Wax dhammaantood isticmaalid. 2. Wax inta ugu dambeysa isticmaalid.
idlee Wax dhammeyn.
idman Wax hawl fulinteed u madax bannaan ahaansho (cid).
idmanaan eeg idman. ld idma-naansho.
idmanaansho ld idmanaan.
idmid eeg idan².
ido Ariga intiisa leh bari weyn, macal, iyo dhogor badan.
idolojiyo Aragti siyaasadeed.
if1 1. Kaah walxaha uu hayo suurta geliya in ay ishu aragto. 2. Adduunyo. if2 Kaah indhuhu wax ka arki karaan bixin. if-qorraxeed (ifaf ..., m.l) (fiis.) Iftiinka toos uga yimaadda qorraxda, kaasoo suurtageliya in la arko waxyaalaha dhulka oogadiisa ah. Wuxuu ka koobanyahay qeybta kaah cadceedeedka ee leh dherer mowjadeedka ee u dhexeeya kuwa cas iyo iftiinka casuusta.
ifafaale Dhacdooyin iyo tilmaamo muuqda oo tusaale u ah wax soo socda.
ifbax1 Muuqasho. ifbax2 1. Soo i.: wax bidhaantooda muuqasho. 2. Soo i.: wax caan ah noqosho. ifbixid eeg ifbax².
ifbixin eeg ifbixid.
ifi 1. Wax iftiin ku qabasho. 2. Raadraac yar arrin iwm ka bixin. ld iftiimi.
ifid eeg if².
ifin eeg ifi. ld ifis, iftiimin, iftiimis.
ifis ld ifin.
ifiso 1. Wax la qoro ama la akhriyo oo wixii lumay lagu helo, birbiriso. 2. Xabbad iftiin bixisa oo habeenkii cadowga lagu yoolbaaro.
ifraac (baay.) Koridda organno ka mid ah geedka ay koraan iyagoo u jawaabayo ilayska. Xiddo haweedyadu waxay sida badan u koraan dhinaca ilayska iyada oo xididdo haweedyaduna ay u baxaan dhinaca ku liddiga ah ilayska.
ifsasho eeg ifso.
ifso Meel ama wax iftiin u yeelasho.
iftiimi ld ifi.
iftiimid eeg iftiin².
iftiimin ld ifin.
iftiimis ld ifin.
iftiin1 1. Kaah wax lagu arki karo. 2. Wakhti si fiican wax loo arki karo oo qorraxdu soo baxayso ama dhacayso.
page : 5 of 43
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>