Ereyga Maanta: qawadid
idaacad  Warka raadiyaha ama TVga laga sii daayo. ld idaaco.
idaaco  ld idaacad.
idaad1  1. Bir qaroofan oo mallayga lagu dabo. 2. Laqanyo. idaad2  Laqanyo dareemid. idaadid  eeg idaad².
idan1  1. Oggolaansho, rukhso. 2. Qalab ka samaysan dhagax jilicsan ama dhoobo oo inta dhuxulo nool lagu guro dhirta udgoon lagu shito; dabqaad; idin. idan2  Wax samayntooda cid fasax u siin. idanqaadasho  eeg idanqaado.
idanqaado  Wax sameyntoodu fasax u qaadasho.
idansan  Qof wax samayntooda cid fasax lagu siiyay ahaansho.
idansanaan  eeg idansan. ld idan-sanaansho.
idansanaansho  ld idansanaan.
idif  1. Timaha wejiga ku soo dhawaada oo salxanyada korkooda ka baxa. 2. I. ah: qof bar yar oo dhuuban.
idifsan  Wax dhuuban oo itaal yar leh ahaansho (nafley).
idifsanaan  eeg idifsan. ld idifsanaansho.
idifsanaansho  ld idifsanaan.
idiin  Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.
idil  Wax aan wax ka maqneyn ahaansho.
idin1  Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah, oo lala hadlayo. Tus.: “waan idin arkay”. idin2  ld idinka. idin3  ld idan¹ (2). idinka  Magacuyaal yeele oo tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus.: “waxaas idinka ayaa ku shaqa leh”. ld idin².
idinna  Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee wadarta ah oo ka kooban idin 2 iyo na².
idiyaalismo  Aragti ku dhisan falsafad leh in aqoontu ay tahay miro maskaxeed.
idlaad1  Dhammaad. idlaad2  Wax aan wax ka harin ahaansho. idlaan  eeg idil. ld idlaansho, idlaasho.
idlaansho  ld idlaan.
idlaasho  ld idlaan.
idlayn  eeg idlee.
page : 4 of 43
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>