Ereyga Maanta: gur
kaamil2  Wax kala dhiman dhameystirid. ld kammil. kaamilan1  Wax la kaamilay noqosho. ld kammilan¹. kaamilan2  Wax la kaamilay ahaansho. ld kammilan². kaamilid  eeg kaamil². ld kammilid.
kaamilmid  eeg kaamilan¹. ld kam-milmid.
kaamilnaan  eeg kaamilan². ld kaamilnaansho, kammilnaan, kammil-naansho.
kaamilnaansho  ld kaamilnaan.
kaan  1. (u) Daloola ku yaal doonida miilkeeda dambe iyo madaxa shukaanta. 2. Kala k.: wax kala duwan.
kaanad  Qori dheer oo masaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonida ku duduwo.
kaankaansasho  eeg kaankaanso. ld kaankaansi.
kaankaansi  ld kaankaansasho.
kaankaanso  U k.: wax fadhiya dhaqdhaqaaq yar sameyn.
kaar1  1. Xannuun sida holaca u kulul oo nabar ama meelbugtaa yeelato. 2. Waraaq yar oo afar gees ah oo wax lagu qorto. 3. ld kaarid. kaar2  Xanuun laxow badan dareemid. kaarad  Kiish timirta lagu guro, wareegsan oo qaada 20-25 kiilo.
kaarbogsilik-asiidh  (kiim.) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbog-silik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
kaarboohaydrayt  (kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.
kaarboon  (kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
kaarboon hal-ogsaydh  (kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.
kaarboon laba-ogsaydh  (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03% mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.
kaarbuuno  Aalad batari ku shaqaysa oo gacanta lagu qabsado waxna lagu iftiimiyo; toosh. ld karbuuno.
kaarid  eeg kaar². ld kaar¹ (3).
kaarotiin  (baay.) Xubin ka mid ah dirta midabsidayaasha kaarotinoydh. Tusaale ahaan waxa ka mid ah beta-kaarotiin oo midab u yeesha xididka daba casaha iyo laykobiin oo bislaysa tamaandhada. Alfa iyo beta kaarotiin waxa laga helaa faytamiin A, marka xayawaanku dheef-shiido.
kaarran  Qof cartamay ahaansho.
kaarranaan  eeg kaarran. ld kaar-ranaansho.
kaarranaansho  ld kaaranaan.
kaartabollaato  Warqad daliigyo leh oo araajida lagu qorto.
kaarto  (juqr.) Khariidad nooc ay doontaba ha ahaatee; amase khariidad loogu talaggalay inay caawiso badmareennada.
kaartoogaraafiyada  (juqr.) Farshaxan-ka ama sayniska samaynta khariidadaha iyo kaartooyinka.
kaas1  (kuwaas, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tus. “Kaas ayaa fiican”. ld kaa¹ (-kaas)
page : 5 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 > >>