Ereyga Maanta: qawadid
kaadshid  eeg Kaadish
kaadshii  Qof kaadi geyn.
kaadshiin  eeg kaadshii.
kaadsi  ld kaadsasho.
kaadsiinyo  Ku degdegid la'aan.
kaadso  U k.: wax dib u dhigasho.
kaaf  Xarafka ka'. ld k (ka').
kaafi1  K. ah: wax deeq kugu kaafiya. kaafi2  Wax ku fillaan. kaafir  $)) (dii.) Qof aan muslin ahayn. ld kufri¹.
kaafirad  (dii.) Haweenay aan diinta Islaamka rumeysnayn.
kaafiriin  eeg kaafir.
kaafiyid  eeg kaafi².
kaaftoomid  eeg kaaftoon².
kaaftoon1  (kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka. kaaftoon2  Ka k.: wax ka maarmid. kaafuur  1. Geed shiinaha koonfureed ka baxa oo caleemihiisu weligood cagaaran-yihiin, lehna ubax midab cad oo udgoon. 2. Dheecaan geedka kaafuurka laga soo saaro.
kaaga1  (kuwaaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “kaaga ayaa ka fiican”. kaaga2  Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tus. “Qalinkaaga baa cusub”. ld kaa³. kaah1  Iftiin yar oo wixii sababay sida dab, qorrax iwm ayan muuqan. kaah2  If muuqasho. kaah-qorraxeed  (fiis.) Tamar kaahda dhulka iyo meereyaasha kale ay ka helaan qorraxda. Kaaha gorraxdu si la taaban karo ayuu ugu kala duwanyahay dhulka dushiisa. Xaddiga kaah gorraxeedku wuxuu isla beddelaa kolba xagasha ay fallaaraha ilaysku uga soo dhacayaan dhulka maalinta dhexdeeda.
kaaha-altaratyolet  (fiis.) Kaahinta birlabdanabeed ee hirbaacoodu u dhexeeya kan midabka cinab sare iyo fallaadhaha-x (x=egs), taas oo ah inta u dhexeysa 400 naanomitiri (nm) iyo 4 naanoomitiri (nm).
kaahfalid  (fiis.) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
kaahi  Kaah wax ka keenid.
kaahid  eeg kaah².
kaahin1  Qof waxa soo socda ka warrama. kaahin2  eeg kaahi. kaahin-birlabdanabeed  (fiis.) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
kaahin-dulmadow  (fiis.) Kaahinta kuleed ee ay dulmadow bixiso heer kasta ee heerkul, lehna filiqsanaan tamareed oo leh muuqaalka jeegaanta.
page : 3 of 73
< 1 2 3 4 5 6 7 8 > >>