Ereyga Maanta: meereysan
kaakacTiro aan xad lahayn.
kaaki1. Midab u dhow casuuraa. 2. Dhar adag oo badanaa askartu xirato.
kaal1Warmaha waaweyn nooc ka mid ah.
kaal21. Fandhaal weyn oo bir ama qori ka samaysan. 2. Dhulmadda labadeeda qalbac midkood. 3. Xoolo la siiyo qof guursaday.
kaal3Nin guursadey xoolo siin. ld kaali.
kaalandar(c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaa-tooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
kaalay(kaalaya, w) Agtayda imow.
kaalbaaCaano fadhi ah, oo si ay u adkaadaan biyihii laga miiray oo ay lagama maarmaantahay in lagu cuno fandhaal.
kaalild kaal³.
kaalideeg kaal³. ld kaalin² (2).
kaalin11. Ceelka meesha biyaha lagala soo baxo, darkana ku aaddan. 2. Meelaha shidaalka laga qaato.
kaalin21. Hawl guud inta qof kaga aaddan. 2. ld kaalid.
kaaliyam(kiim.) Summad : K. Bir firfircoon oo jilicsan. Waa midda saddexaad ee biraha alkaliga (ururka I ee tusaha kalgalka); bar-dhalaashan: 63.7° C; bar-karid: 756° C; cufnaan beegan: 0.86; tiro borotoon: 19; cuf-atameed:39.09.
kaaliyeQof caawiya qof hawl haya; gargaare.
kaalmayneeg kaalmee.
kaalmaysashoeeg kaalmayso. ld kaalmaysi.
kaalmaysild kaalmaysasho.
kaalmaysoWax kaalmo ka dhigasho.
kaalmeeCid caawinid.
kaalmoGargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.
kaaloNin guursaday xoolaha la siiyo.
kaalori(fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.
kaalsiyam(kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
kaalsiyam haydarogsaydheeg kaal-siyam.
kaalsiyam kaarboneyteeg kaalsiyam.
kaalsiyam salfeyteeg kaalsiyam.
kaambeNafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.
kaambiHoray iyo gadaal si welwelsan ugu socosho.
kaambiyideeg kaambi.
kaamil1K. ah: wax dhan.
<< < 1 2 3 4 5 6 7 8 9 > >>