Ereyga Maanta: hirqad
m  (ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.
ma1  Qurub tilmaamaya in weerta falkeeda uu yahay fal diidmo. Tus. “Cali ma imaanayo”. ma2  1. Qurub tilmaama in ay su'aali saaran tahay ereyga uu weheliyo. Tus. “Cali ma yimid?”, “Ma Cali baa yimid?”, “Ma waxaa yimid Cali?”, “Ma waad imaanaysaa?”. 2. Qurub tilmaama in ay su'aali saarantahay erayga uu ku nudanyahay. Tus. “Goorma?”, “Inma?”, “Idinma?”, “Kuwama?”. 3. Qurub ka muuqda su'aal ee qof lagu dhiirigelinayo in uu fal sameeyo. Tus. “Maad iska celisid qofkaa?”. ma3  ld mise. ma4  1. Meel. 2. (qr.we) Mehee?: meeshee?. ma'wi  Ceel biyo badan.
ma-milme  (kiim.) Iskudhis milmiddiisu aad u hooseeyso (marka lagu daro mile gaar ah).
maab  Shax warqad ku sawiran oo tilmaamaysa dhulka oogadiisa, ama qayb ka mid oo ay leeyihiin waddammada, badaha, webiyada, buuraha iwm; khariiddada.
maaci  1. Geedaha intooda dhuuxa adag. 2. Waxkastoo adag.
maacuun  Qalabka jikada looga adeegto ee wax lagu cuno ama cabbo, sida suxuunta, digsiyada, mindiyaha iwm.
maad  1. Gaashaan. 2. Meel lagu gabbado.
maad1  Hadal ama sheeko lagu qoslo. maadaama  Eray lagu xiriiriyo weer sababley ah. Tus. “Maaddaama roob uu da'ayo iska joog”. ld maaddaama.
maadad  ld maadasho.
maadasho  eeg maado. ld maadad, maarad, maarasho.
maaddaama  ld maadaama.
maaddad  ld maaddo.
maaddi1  M. ah: qof lacagta, xoolaha aad u jecel oo dantiisa wax kasta ka hormariya. maaddi2  (fiis.) M. ah: tibix la cabbiri karo ama qiimaheeda xisaabeed la soo saari karo. maaddiyad  (fals.) Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.
maaddo  1. Saddexda nooc walxaha dunida yaalla u qaybsamaan mid ka mid ah oo kala ah: adke, hoore, iyo neef. 2. Qayb cilmiyeed isku wax ka hadleysa. ld maaddad.
maadee  (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.
maadeyn  eeg maadee. ld maadeys.
maadeys  1. (riw.) (-syo, m.dh) Jilid qosol leh. 2. ld maadeyn.
maadeysad  ld maadeysasho.
maadeysasho  eeg maadeyso. ld maadeysad, maadeysi.
maadeysi  ld maadeysasho.
maadeyso  Ku m.: qof ku dheeldheelid.
maadhiin  Bunduq xabbad-keliyaale ah oo waayadii hore la isticmaali jiray.
maadi  Wax halis ka dhawrid. ld maari.
page : 1 of 131
1 2 3 4 5 6 > >>