Ereyga Maanta: hirqad
q  (qa') Xarafka lix iyo tobnaad ee alifka soomaaliga oo shibbane ah.
qaa'id  Qof ciidan hoggaamiya.
qaab1  1. Hannaanka wax leeyahay. 2. Hab. 3. Caano garoor ah. 4. Caano yar oo garoor ah oo caanaha dhayda ah lagu daro si ay durba garoor u noqdaan; salsal; khamiir. qaab2  ld qaabi. qaab-dhuleed  (jool.) Erey mararka qaarkood lagu isticmaalo in lagu muujiyo qaabka dhulka.
qaaban1  1. Wax qaab loo yeelay noqosho. 2. Wax fadhi badan ku curqay noqosho. ld qaabi (1). qaaban2  Wax qaab loo yeelay ahaansho. qaabbil1  1. Docda wejiga ah oo soo jeedda. 2. Cid ka hor imaad, soo dhoweys. 3. Qaabbilkayga: hortayda, tooskayga. qaabbil2  1. Cid la kulmid. 2. Cid la shirid, cid soo dhoweyn. qaabbilaad  Kulan laba qof ama ka badan dhex mara.
qaabbilid  eeg qaabbil(2).
qaabbilo  Maalinta uu dirirku la fadhiyo dayaxa oo dadku aaminsan yihiin in ay tahay maalin cawo leh.
qaabbilsan  1. Qof wax u qaybsan ahaansho. 2. Wax, wax kale ku aaddan ahaansho.
qaabbilsanaan  eeg qaabbilsan. ld qaabbilsanaansho.
qaabbilsanaansho  ld qaabbilsanaan.
qaabbilsii  Wax, wax kale ka horgeyn.
qaabbilsiin  eeg qaabbilsii.
qaabdaran  Wax qaab xun ahaansho.
qaabdarnaan  eeg qaabdaran. ld qaabdarnaansho.
qaabdarnaansho  ld qaabdarnaan.
qaabdarri  ld qaabdarro.
qaabdarro  Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri.
qaabi  1. Wax qaab u yeelid. 2. Caano qaab ku darid. ld qaab², qaaban¹ (1).
qaabid  ld qaabin.
qaabile-kiimikaad  (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
qaabin  eeg qaabi. ld qaabid.
qaabis  1. Garoorinta la garooriyo caano la doonayo in la lulo. 2. Q. ah: caana garoor ah.
qaablaawe  1. Aan qaab lahayn (wax). 2. Q. ah: qof aan hab wanaagsan u dhaqmin.
qaabmid  eeg qaaban¹.
qaabnaan  eeg qaaban². ld qaabnaansho.
page : 1 of 86
1 2 3 4 5 6 > >>