tafantoof (2) Socod dhib iyo luggooyo leh socosho.
tafantoofid eeg tafantoof².
tafaq Wax mudid (qodax).
tafaqid eeg tafaq.
tafaraaruq (1) Ismaandhaaf awgiisa loo kala tago. ld tafarruq¹.
tafaraaruq (2) Ismaan-dhaaf awgiisa ku kala tegid (dad). ld tafarruq².
tafarraruqid eeg tafaraaruq². ld tafarruqid.
tafarruq (1) ld tafaraaruq¹.
tafarruq (2) ld tafa-raaruq².
tafarruqid ld tafaraaruqid.
tafaxaydasho eeg tafaxaydo.
tafaxaydo Maro la xiran yahay kor u laabasho.
tafeelin 1. Badasho roob iwm ay aad u bataan. 2. Buro ama dheeri.
tafid eeg taf².
tafiir Ilmaha ay dhalaan waalidku.
tafiiran Ka t.: wax ka soo farcamid (cid).
tafiirgo' Wax ciribtirmid.
tafiirgo'id eeg tafiirgo'.
tafiirgoo Wax cirib-tirid.
tafiirgoyn eeg tafiirgoo.
tafiirmid eeg tafiiran.
tafniid Wax sida ay u kala fiican yihiin u kala saarid.
tafniidid eeg tafniid.
tafshaan ld dafshaan.
tafsiir (1) Fasiraad; micnayn.
tafsiir (2) Quraan fasirid; micnayn.
tafsiirid eeg tafsiir².
taftaaf 1. Cudur nafley uu ku dhacay ku raagid. 2. Cid sixrid.
taftaafan 1. Wax jirro ku raagtay ahaansho. 2. Wax la sixray ahaansho.
taftaafid eeg taftaaf.
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>