Ereyga Maanta: qawadid
urursasho  eeg ururso. ld aruursasho.
ururso  Wax kala firirsan meel isugu keensasho. ld aruurso.
uruur  (ray, -rtay) ld aruur².
uruuri  ld aruuri.
uruurid  ld aruurid.
uruurin  ld aruurin.
uruuris  ld aruurin.
uruursad  ld aruursasho.
uruursan  ld aruursan.
uruursanaan  ld aruursanaan.
uruursanaansho  ld aruursanaan.
uruursasho  ld aruursasho.
uruurso  ld aruurso.
us  Aamus!
usar  ld unsar.
usduurad  ld usduuro.
usduuro  Dhacdo taariikheed oo sooyaal ah, oo wax laga beddelay qaabkeeda hore. ld asduurad, usduurad.
uskag  Wasakh ku taal jir dad ama dhar. ld uskug.
uskag-galeen  Jir dad meesha wasakh qabatinka leh.
uskagayn  eeg uskagee.
uskagee  Wax uskag u yeelid.
uskagoobid  eeg uskagow.
uskagow  Uskag yeelasho.
uskug  ld uskag.
ustaad  Macallin; bare. ld astaad.
usur  Dhul jiq ah oo aan la mari karin.
utun  Godob weyn; aano.
uu1  Magacuyaal tilmaamaya qofka saddexaad ee kelida lab ah (kan laga hadlayo). Tus. “Wuxuu rabaa inuu wax ka barto” uu2  Erey dareen oo tilmaamaya wax kedo ah ama wax naxdin ah, iwm. uub  1. Carun ka yimaad xubinta taranka ee nafley dhashay. 2. (-bo, m.l) God dhuuban oo hoos u dheer.
page : 10 of 15
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 >