umal1 Caro ciilqab ah. umal2 Caro ciilqab leh dareemid. ld umashoo. umashoo Qof dareema caro ciilqab ah noqosho. ld umal².
umashood ld umlid.
umlid eeg umal². ld umashood.
ummaag Xirmo ah cawska rarada laga sameeyo.
ummad 1. Dad meel wada deggan oo dhaqan iyo dhaqaale wadaag ah. 2. Dad.
ummadnimo Ummad ahaansho.
ummi U. ah: qof aan wax qori karin waxna akhrin karin.
umminnimo Ummi ahaansho.
ummiya Shareero.
ummul1 Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay. ummul2 Ilmo uur ku jiray dhalid. ummuladdoox 1. Dilaa aan cidna u nixin oo wuxuu arkaba dila. 2. Colaad aan cidna la reebin.
ummulbax1 Dhammaadka afartanka casho ee ugu dambeeya kolka ay hooyadu ummusho. ummulbax2 Afartanka casho ee ummusha lagu jiray dhammaysasho. ummulbixi Hooyo dhashay, intay afartanka casho ee ummusha ka dhammaysanayso u adeegid; nafaqgayn.
ummulbixid eeg ummulbax².
ummulbixin eeg ummulbixi.
ummuli Ilmo ka dhalin.
ummulid eeg ummul².
ummulin eeg ummuli. ld ummulis.
ummulis ld ummulin.
ummuliso Haweeney aqoon u leh sida loo dhaliyo naagaha.
ummuliye Nin yaqaan sida loo dhaliyo ummuliyo haweenka ummulaya.
ummulow Cudur ku dhaca dumarka ummula.
ummulraac1 Geerida ku timaada haweeney ummulaysa ama ummushay. ummulraac2 Haweeney ummushay dhimasho. ld ummulraaco. ummulraacasho ld ummulraacid.
ummulraacid eeg ummulraac².
page : 6 of 15
< 1 2 3 4 5 6 7 8 9 10 11 > >>