Akhris Baa Anfac Leh

Jidhka bini’aadanku wuxuu u baahanyahay oomato uu ku tamariyo ; sidaas oo kale caqliguna waxa lagama maarmaan ah in uu helo quud iyo dheef uu ku shaqeeyo; waana fikir-ka. si caqligu u fikirana wuxuu u baahanyahay in uu helo xog, waaya aragnimo iyo aqoon fara badan. Isha kaliye ee uu ka heli karaana waa waxa qoran (buugga) waa isaga oo wax akhriya . caqligu waa halka qofka bini’aadmiga ah laga hago, umadda haddii caqligeedu hagaagana waa hubaal in ay hoggaamiyayaal yeelanayso.
Markii la weydiiyay filasoofarkii reer galbeed, yaa umadda hagi doona. Muu odhan inta wax akhrida ee waxa uu yidhi inta taqaana sida wax loo akhriyo!!. Waxay ahayd waqti ku dhaw qarni ka hor. Maantana waynu ognahay sida caalamkan loo kala tun weynyahay waa sida loo kala xog iyo akhris badanyahay.

Islaamku uma baahnaa tusaale meel kale looga keeno waayo isaga ayaa ah mid ay ka buuxdo talo iyo tilmaan midda ugu mudan ee aynu u baahanahay. Wax loo noqdo waxa ugu mudan Qur’aanka kariimka ah; aayaddii ugusoo horeysay ee soo degtay waxay ahayd “Iqr’a” oo macnaheedu yahay akhri. Alle (swt) isagoo kula hadlaaya Suubanihii (csw) oo ahaa hoggaankeenii iyo mid aynu ku dayano kii ugu mudnaa. Suurad kale ayuu Alle (swt) wuxuu ku dhaaranayaa Qallinka iyo waxa uu qoraayo “ nuun wal qalamu wamaa yasturuun”. Kaliya maaha ujeedku in qallinka iyo akhriska uun la xusay balse waxa in badan axaadiista iyo Qur’aanka la inoogu sheegay guud ahaan cilmiga iyo aqoontu wax tarka uu leeyahay. Alle (swt) waxa uu ina leeyahay “ miyay siman yihiin kuwa wax yaqaan iyo kuwa aan waxba aqoonin” maya ayaynu leenahay. Ma sinnaa mana isku dhawaa. Taas ayaa waxa ay inaga dhigaysaa in aynu nahay umad akhris. Gaabis hadduu jiro nafteenna ayuunbaynu eersan, cid kale eed kuma lahaa; balse waxa hubaal ah in aynaan cudur daar lahayn.

Waa dhab waynu isla garanay mihiimadda akhriska si wanaagsanna waynu uga war qabnaa arrinkaa. Balse is weydiintu waxa ay tahay sidee ayaynu wax akhriska uga dhigan karnaa caado, hab dhaqan, fudeyd, raaxo. Sidee ayaynu wax akhriska u gaadhsiin karnaa heer marka aynu maalin wax akhriyi weyno aynu u dareenno baahi; taasoo kugu qasbaysa in aad wax akhrido, haddii aad waxba akhriyi weydana kugusii badanaysa illaa aad gaadho heer aad xanuun dareento?.. Haa sida cuntadaba haddii aad u cuni weydo aad u dareemayso gaajo haddii aad weydana ay kuugusii badanayso , illaa aad gaadho heer aad u jiifsato, daawaduna ay tahay uun in aad oomato qaadato…Haa sidee ayaynu u gaadhsiin karnaa in akhrisku inoo noqdo daawo aynu u adeegsano baahi inagu keeni karta khatar haddii aynu laba maalmood oo isku xiga waxba akhriyi weyno??
Wax akhrisku haddii aanuu ka mid noqon daruuriyaadka joogtadada ah sida hurddada, cuntada iyo biyuhuba ay u yihiin aasaasiyaadka nolasha. Haddii aynaan halkaa gaadhsiin marnaba kasoo kaban mayno dib u dhaca , hoggaan xumaanta, faqriga iyo khal-khalka siyaasadeed ama bulsheed ee inagu dhacay. Waxa kaliya ee inaga saari karaa waa aqoon dhab ah. Taana lama helaayo haddaan wax akhrisku aanuu noqon mid ka mid ah aasaasiyaadkeenna nolasha ugu muhiimsan.
Xalku waa in la abaabulo lana hirgaliyo kacdoon laga wada qayb qaato guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada hadday tahay dhallinyar, culumo-awdiin, siyaasi, aqoon yahan, ganacsato , waalid iyo macallimiin intaba. Kaasoo lagu baadi goobaayo kobac garaad iyo mid umadeed labadaba.

Hadda meela badan oo ka mid ah dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba waxa ka muuqda ifa faalaha baraarugaas; waxaana kow ka ah naadiyada akhriska kuwaas oo ka hir galay illaa hadda magaalooyin dhawr ah. Waa arriin u baahan in la dhiirri galiyo, la taban taabiyo lana garab istaago.
Waxa xusid mudan in qaar ka mid ah naadiyadaas ay ka jiraan Akhris wadareedyo (waa nidaam wax akhirs kaas oo ay wadaagayaan tobaneeyo qof, oo mid ka mid ah usoo diyaarinaayo hal buug oo uu si fiican usoo akhriyay. Wiigii ama labadii wig hal mar; Ka dibna muddo kooban oo laba saddex saacadooda marna buugga la akhrinaayo marna la niqaashaayo “laga doodaayo” wixii laga fahmay iyo wixii laga faa’iidayba). Waxaan si gaar ah u xusayaa waa inta aan ka war qabee “Naadiga Akhriska Qaahira iyo Naadiga Akhriska M.Mooge ee Hargaysa”. Waxa kale oo jira Naadiyo kale iyo dad kale oo iyaguna sidaas oo kale Akhris wadareedkan ugu kulmay marar badan meela kala duwan kuwaas oo aan qaarkood goob joog u ahaa.

Akhirs wadareedku waa hab aanuu qofku akhris ka daalayn, dhibsanayn, caajiseen; isla markaanna lagaba yaabo inta uu isagu wax akhrinayaa in ay iskaba yaraato, ee uu yahay uun mid dhagaysanaaya inta badan qof kale oo wax soo akhriyay, isagoo isagana maalintiisa la dhagaysan doono wixii uu soo akhriyay. Waana hab ka mid ah dariiqooyinka ugu fudud ee aynu kula qabsan karno akhriska. Sababtoo ah mar kasta oo aad rabto wax cusub oo aanaad hore usoo sameyn jirin in aad nafta barto waa in aad adeegsataa wax kugu qasbaaya, kaagana dhigaaya mid xiisa badan; inta ay naftu ku carbismayso kuna tobabaranayso. Sidoo kale waa dhiiri galin bulshada kale ee kaa ag dhaw ama kaala soo qayb galaysa maalmaha qaar, oo laga yaabo in ay kulamadaas lagu wadaagayo akhrisku ay ku reebaan raad ku dhaliya in ay wax akhris bilaabaan iyaguna ama ay sii horumariyaan.

Baadhitaan iyo tirakoob caalami ah ayaa waxa lagu ogaaday goorta la odhan karo qofkaasi waxbuu akhriyaa ama waa akhriste wanaagsan. Waxa ay yidhaahdeen ugu yaraan maaha ugu badnaan, laba buug waa in uu qofku akhriyaa bishii. Waxa haddana la is waydiiyay buugga xajmigiisa; ileyn waxa suurta gal ah qofku in uu akhriyo laba buug oo midkiiba labaatan bog yahaye. Waxa uu baadhitaanku soo saaray labadaa buug xajmigoodu in uu san ka yaraan laba boqol (200) oo bog midkiiba. Oo ku dhaw hal mug ama xidhmo (1 volume).

Guntii iyo gabagabadii Akhris iyo waxa uu yahay maaha mid aynu hal maqaal kaga bogan karno, waxaa se hubaal ah in uu yahay jidka kaliya ee aynu kaga baxayno cidhiidhiga aynu ku jirno. Marka aynu akhrino wax adduun iyo aakhiraba wax tar inoo leh; diin iyo maadi midkiisa wanaagsanba. Ka dibna aynu ku camal falno kuna dhaqano wixii aynu ka baranay. Lana wadaagno dadka intiisa kale.

Wax akhrisku isaga ayaa u ah salka cilmiga iyo aqoonta aad rabto in aad yeelato. Adduunka waxa ugu mudan ee la inoo abuuray ayaa ah cibaado. Alle inaad caabudaanna waxay kaaga baahantahay cilmi. Cilmiguna akhrisk. Akhrisku waa furaha nolasha quruxsan ee aynu raadinayno…..

Maskaxda wax akhridaa wa mid ka xorawday cidhiidhiga dhulka, una ban baxday baaxaddiisa
Maskaxda wax akhridaa waa mid rog rogta caqliyada dad kale oo iyaguna wax akhriyay
Maskaxda wax akhridaa waa mid iska fogeysay kana dheeraatay jaahilnimada
Maskaxda wax akhridaa waa mid maaweelisa goor kasta nafteeda , siisana xiisa dheeraad ah
Maskaxda wax akhridaa waxa ay xal u heshaa dhibaatooyin badan oo markii hore ku kakanaa
Maskaxda wax akhridaa waa midda awood u leh in ay fikirto , ka dib markay xog ku filan ay hesho
Maskaxda wax akhridaa waa midda hesha saaxiib la nool goor kasta , talo iyo tusaalana ka haqab tira
Maskaxda wax akhridaa waa mid ka run sheegta awooddii Alle siiyay iyo siduu ugu tala galay
Maskaxda wax akhridaa waa mid garawsata awaadaha Alle siiyay, isla markaana adeegsan taqaan
Maskaxda wax akhridaa waa mid aynaan halkan kusoo koobi karayn tilmaamaheeda

Qoraa: Ibraahin Aw-Xasan (Waaberi)