faxal
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- (bot.) Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal.
- (baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo.
- (bot.)Faxal sameyn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

