sun

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

waabaayo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dhacaan laga helo geedka waabay oo haddii wax yar laga, cabbo ama si kale oogada u gaarana loo dhinto ama bukoodo; sun; mariid. ld waabaay, waabay².

Lamidka: waabaay, waabay, sun, mariid

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur