yarayn

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg yaree. ld yarays, yaraysiin.
  2. (kiim.) Ogsijiin kasaaridda ama haydarojiin kudaridda loo geysto iskudhis. Guud ahaan, waxa la odhan karaa atam, molikuyuul ama ayoon wuu yaraaday ama yarayn baa ku dhacday marka uu helo elektaroono.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yaree

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-reeyay, -raysay)

Macnaha:

  1. 1. Qof fal samayntiisa dhimid. 2. Qof wax weyn ama tiradoodu badantahay wax yar ka dhigid. ld yareysii.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yarays

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld yarayn¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

yaraysiin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld yarayn¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur