addoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-oommo, m.dh)

Macnaha:

  1. Nin aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; cabiid; bidde.
  2. Naag aan xor ahayn oo la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; biddad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cabiid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (cabiid, m.dh) Qof la leeyahay oo sidii la doono loogu shaqaysto; bidde; addoon; cabid. ld cabid¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bidde

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Nin la leeyahay, aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto; addoon; cabiid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

biddad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Haweeney la leeyahay aan xor ahayn oo sidii la doono loogu shaqeysto.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur