ammiir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Taliye; madax qoon; suldaan. ld amiir² (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

taliye

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-yayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Qof qayb ciidan ah madax u ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

suldaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur