asaas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-syo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen.
  2. Wax cusub oo la sameynayo bilaabid. ld aasaas².

sal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
  2. 1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
  3. 1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol.

aasaas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld asaas¹. asaasid.
  2. ld asaas².