baabbaco

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-ooyin, m.l) Calaacal, sacab. 2. ld baabbacayn. Orod gaaban oo geelu labada addin ee hore iyo kuwa dambe midba mar qaado.

Lamidka: baabbacayn, calaacal, sacab

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

baabbacayn

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg baabbacee. ld baabbacays, baabbaco (2).

Lamidka: baabbacee, baabbacays, baabbaco

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

calaacal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld calaancal 1. Hadal beerlaxawsi leh oo lagu muujinayo dhibaato dhacday oo taakulayn u baahan. 2. ld calaacalid.
  2. Gacanta dadka inteeda hoose ee cad; baabbaco; sacab.
  3. Ka c.: cid dhibaato ku dhacday, erayo beerlaxawsi leh cid kale u jeedin. ld calaancal².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sacab

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bbo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo laysku dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur