bakteeriya
Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun
Isrogrogga: (-ayaal, m.l/dh)
Macnaha:
- (baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

