bayr

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Nuxurka hadal, dood iwm ku saleysanyahay. 2. ld bayrid.
  2. Iin maanka iyo muruqyada nafleyda ku dhaca oo keenta in laga dido ama laga boodo wax aan la hubsan; salaaf; biinan.
  3. Wax toos u socda dhan u weecasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

salaaf

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Dabeecad fudayd ku jiro oo badanaa keenta in la sameeyo falal aan laga fiirsan.
  2. Neef xoolaad liidasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

biinan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Jirro maskaxeed qofka ka dhigta mid fudud oo aan dagganayn. 2. (w) eeg biin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bayrid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg bayr³. ld bayr¹ (2).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur