beyd

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Guri; aqal. 2. Hal sadar oo maanso ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

guri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ryo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay.
  2. 1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

aqal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur