aqalQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-llo, m.dh)Macnaha:Dhis dadku dhexdiisa dego oo ku noolaado; guri; hooy; min.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
guriQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-ryo, m.l)Macnaha:1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay.1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
hooyQaabnax: Urur Jagaale | Collective OrdinalMacnaha:1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
minQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-nan, m.l)Macnaha:1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. ld minan.Midkiiba. Tus. “Nimankan min kun shilin sii”.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0