caari

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Marka biyaha badda dib berriga uga noqdaan. ld caarid.
  2. Biyaha badda, berriga dib uga noqosho.

caarid

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld caar¹.
  2. (juqr.) Hirar waa tallantaaliga kicitaanka iyo dhicitaanka ee badda dusheeda, kaas oo dhaca ugu dhawaan maalintii labo jeer waxaana sababa cufisjiidadka dayaxa iyo ka qorraxda oo isna si kan yar u sababa. Badweynnada furan, faraqa u dhexeeya heerarka hirarka sare iyo hirarka gaaban wuxuu ka yaryahay 1 m, laakin badaha gunta gaaban ee qaaradaha saaran faraqu wuxuu gaarayaa in ka badan 6 m, gacannada dhuuban ee hirarka leh waxaa dhici karta faraqu inuu gaaro 15 m ama ka badan.