cayn
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-yman, m.l)
Macnaha:
- 1. Xarig isaga gudbo labada dhinac, oo rarka ku adkeeya gaadiidka nafleyda ah. 2. Magac carbeed xarafka 'c'.
- 1. Nooc; jaad. 2. Si, hab, qaab. 3. Keyn, dhul jiq ah oo dhir badan. ld caynad.
- (nax.) Dir naxweed ku shaqa leh in ay kala saarto labka iyo dheddigga ee magacyada, magacuyaallada iyo qaabka falalka (tus.: inantu way seexatay). Ereyada weertan cayn dheddigeed ayey wada muujiyeen: magaca, magacuyaalka iyo falkuba.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

