dhalasho

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. 1. Qof isir ama jinsiyad ahaan meesha uu ka soo jeedo. 2. ld dhalad. eeg dhalo².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhalad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. D. ah: qof fir wanaangsan ka soo jeeda. 2. ld dhalasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhalo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Wax kasta meesha u sarraysa; fiin. 2. Maaddo adke ah oo ka samaysan ciid, kaalsiyam, soodaiyo, botaasiyam oo jabi og oo mootiye ileys ah. 3. Weel quraarad ka samaysan oo biyaha, caanaha iwm lagu shubto.
  2. 1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur