dhex

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Laba wax ama laba meelood kala barkood; bartan. 2. Inta u dhexeysa qaarka hore iyo qaarka dambe (nafley); sabar. dhexaad s. Dhexda ku abbaaran; dhexe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bartan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld bartame.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sabar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dulqaad. 2. (-rro, m.dh) Jirka dadka, qaarka sare iyo qaarka dambe inta u dhexeysa; moxog. 3.(-rro, m.dh) Buur salkeed. ld sabbur¹, sabir (2), samir¹.
  2. 1. Wax u dulqaadasho. 2. Ka s.: wax ka quusasho. ld sabbur², samar², samir².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur