dhisid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg dhis³. ld dhis¹ (3), dhisniin.

dhis

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dh. ah: harag iwm la togay. 2. ld dhigid.
  2. Qoryaha, sarabka iwm ee guryaha qaarkood lagu dhiso.
  3. 1. Aqal, dugsi, iwm samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.

dhisniin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld dhisid.