marxalQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-llo, m.dh)Macnaha:1. ld marxalad (3). Fogaan maalin socod dhan. 2. Gar; daw; jid.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
garQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-rar, m.l)Macnaha:1. Timaha ka baxa dhabannada iyo daamanka ragga. 2. Halka ay isaga yimaadaan labada daan. 3. Garraarka haweenka guntintiisa. 4. Dhan, dhinac. 5. Xarig adag oo awrta lagu raro. 6. Wadnaha intiisa adag oo baruurta yeelata. ld ge.1. Dood loogu xaqsoorayo laba dhinac oo arrin isku haya. 2. Daw; xa.Caaradda ama afka astaan ama midab gaar ah uga yeeli.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
dawQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-wyo, m.dh)Macnaha:1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. ld dow.(juqr.) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa.Ceelal badan oo isku meel ku yaalla.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0
jidQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounIsrogrogga: (-dad, m.l)Macnaha:1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0