food

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Timaha intooda hore ee wejiga korkiisa ku beegan. 2. F. u reeb: timo yar oo loogu reebo madaxa carruurta, siiba gabdhaha, meel wejiga korkiisa ku beegan. 3. Aqal soomaaliga meesha irridda korkeeda ku beegan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

reeb

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bab, m.l)

Macnaha:

  1. 1. ld reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. ld reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo.
  2. 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iwm cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur