furo
Qaabnax: Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3
Isrogrogga: (-rtay, -ratay)
Macnaha:
- 1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

