futo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
  2. 1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
  3. 1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur