dabo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xubin dhuuban, dheer, laalaadda oo lafdhabarta ku dhammaato. 2. Meesha ay nafleyda ka saxarooto; futo. 3. Sal. 4. Gadaal. 5. Dabadeed: kaddib.
  2. 1. Ugaar, kalluun iwm dabin ku qabasho. 2. Timo tidcasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

futo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Afka malawadku ku dhammaado oo saxaradu ka baxdo. 2. Halka dhulka la dhigto marka dadku fariisanayo; sal.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

sal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Jirrid, gun. 2. Marka la fadhiyo meesha dhulka la dhigo, bari.
  2. 1. (nax.) Qaybta ereyga ee aan laga sii yarayn karin, kaddib marka laga gooyo dibkabayaasha, dhammaadyada iwm waa qaybta xambaaarsan micnaha aasaasiga ah ee ereyga (tus.: cun, fur, bar). 2. (xis.) Dhinaca hoose ee shaxan sallax ah ama wejiga hoose ee shaxan adke ah.
  3. 1. Hilib saafid. 2. Biyo ku oon beelid. ld sol.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gadaal

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Docda dhabarka ku aaddan; xagga dambe; dib.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dabadeed

Qaabnax: Falkaab | Adverb

Macnaha:

  1. ld dabo¹.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kaddib

Qaabnax: Falkaab | Adverb

Macnaha:

  1. Dib, dabadeed.
  2. K. ah: xabbad qarxi weyday.
  3. Rasaas iwm dhici waayid. ld katib.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur