gaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xuub ku dahaaran ilmo dhashay. 2. Dhiil, abxad iwm wax korka looga dahaaro. 3. Urun.
  2. 1. Wax cid si gooni ah u khuseeya. 2. Qof loo xilsaaray, inuu ilaaliyo xafiis, dukaan iwm. 3. G. ah: khaas ah. 4. Dhaawac callirsan.
  3. (nax.) Magac guud iyo magac g.
  4. 1. (f.g) Meel tegid. 2. (f.g) Cid, cid ka horreysa ka daba tegid. 3. (f.g) Jir cananno ku suntid. 4. (f.g) Dhiil, abxad iwm dahaarid. 5. (f.mg) Wax, wax ku filnaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

urun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xarig dhuuban, dun ka samaysan oo wiilasha yaryar dhexda loogu xiro kaddib marka la gardaadiyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur