gaaf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-faf, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Xaflad loo sameeyo labada is aroosay maalinta ay toddoba baxayaan. 2. Dhisme ku meelgaar ah. 3. Kaltan. 4. Dad shir u fadhiya looga arrinsanayo xaajo waxku'ool ah. 5. Hareer. 6. Dibad. 7. Meesha gorayada ku dhasho. 8. Midab geelu yeesho oo madow xigeen ah.
  2. Wax ka dheeraan iyada oo muujinaya diidmo iyo nicitaan (nafley).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kaltan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
  2. Hawl iwm. qabashadeeda miilaysasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hareer

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ro, m.l)

Macnaha:

  1. Dhinac; barbar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dibad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (fk) Meel bannaan ama awdnayn. 2. Dal shisheeye. ld dibed.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur