gale

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-layaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Cudur ku dhaca xubnaha taranka ee dadka, oo keena dhabar xanuun iyo dhalmo la'aan; jabto. 2. Dabayl xoog leh. 3. Gebi tog.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jabto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cudur ku dhaca xubnaha dhalmada iyo kaadida: waxaa ka yimaada malax iyo carun, waana lays qaadsiiyaa. ld jabti.
  2. (daaw.) Cudur ka mid ah cudurrada galmada waxaana keena baktiiriyada loo yaqaan “Neisseria gonorrhoeae” wuxuu ku dhacaa xubnaha cawrada ee ragga iyo dumarkaba.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur