gebi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qar; jar; daan. 2. Meel qar hoostiis ah oo roobka, qorraxda, dhaxanta iwm laga galo. 3. G. ahaan: giddi; gebigood; giddigoo.
  2. Fool; mada.

qar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
  2. (juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.

jar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Ariga intiisa cayillan ee laga ganacsado. 2. Roobka j. ah: roobka ugu horreeya guga. 3. (-rar, m.l) Qarka gawgiisa.
  2. Ciyaar fadhiga lagu dheelo sida shaxda iwm. ld jare (3).
  3. 1. Wax goyn. 2. Ciyaar turub haad la degey midkii lagu booleeyey ku qabasho.

daan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-aaman, m.l)

Macnaha:

  1. Afka labadiisa lafood oo ilkuhu ku yaalliin.
  2. (c.nafl.) Nudo adag oo tiiriyayaal ah, ha ahaadaan laf ama carjaw kuwaas oo sameeya fuqa hoose ee xayawaanka qaarkood, gaar ahaan lafdhabarleyda. Shaqada ugu weyn ee daamanku waxa weeye inay ilkaha ka caawiyaan qaniinyada iyo calaalinta cuntada.
  3. Webi, tog iwm labada dhinac midkood.

giddi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Wax aan kala maqnayn; wadajir; dhammaa.

fool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Weji. 2. Afarta ilig ee dhoollaha u dhexeeya midkood. 3. Jiko. 4. Toos; horay.
  2. Dareen xanuun leh oo dheddigga qabta marka ay umulayaan.
  3. (daaw.) Qabashooyin isku xig xiga oo dhallaan iyo mandheer uga soo baxaan ilma-sidaha naag xaamilad ah.
  4. 1. Ka f.: dhibaato iwm ka gudbid. 2. Ka f.: karti dheeraad ah cid kaga rayn.