halac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

olol

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo.
  2. 1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur