xanuun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dareen meel oogada ka mid ahi iska dareento oo ay la kaarto ama dhuuri ula rooro, nabar ku dhacay ama waxyeello kale oo gaartay darteed; kaar; dhuuri; halac; laxaw. 2. Caafimaad iyo fayoobi la'aan; cudur; bugto; jirro.
  2. Kaar iwm dareemid; xanuun yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

kaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xannuun sida holaca u kulul oo nabar ama meelbugtaa yeelato. 2. Waraaq yar oo afar gees ah oo wax lagu qorto. 3. ld kaarid.
  2. Xanuun laxow badan dareemid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhuuri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xanuun.
  2. Dixiri yar oo waqtiyada dharabka qofka kaba la'aanta socda cagaha ka gala.
  3. Xanuun dareemid.

Lamidka: Xanuun

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

halac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Uumi kulul. 2. Olol. 3. H. ah: qof hamuun gorayo leh ama aad u cir weyn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

laxaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kaar iyo xanuun, meel gaar ah oo jirka nafleyda ka mid ah dareemo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cudur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bugto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cudur.

Lamidka: Cudur

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jirro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Isbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda; bugto; fayoobi la'aan; cudur; xanuun.
  2. Isdbeddel ku dhaca xubnaha jirka nafleyda oo wax u dhima caafimaadkooda la kulmid; bukasho; xanuunsasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur