halbeeg

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-gyo, m.dh)

Macnaha:

  1. Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
  2. Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
  3. m.l (-yo H.C., m.dh) (xis.) H.ga H.C. (Habka Caalamiga) waa hab caalamku ay wadajir ahaan isugu raaceen, loona adeegsado laamaha cilmiga. Habkani waxa uu ku salaysanyahay habka M.K.S. (mitir, kiilogaram iyo seken), waxanau beddelay habka C.G.S. (santimitir, garaam iyo seken) iyo F.B.S. (fuudh, bawnd iyo seken).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

m

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ma') Xarafka saddex iyo tobnaad ee xuruufta af soomaaliga, waa shibbane.

Lamidka: ma'

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

c

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ca') Xarafka saddexaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

k

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

Lamidka: kaaf

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

s

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (sa') Xarafka siddeed iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

g

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ga') Xarafka toddobaad ee xuruufta afka soomaliga, ahna shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

b

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. (ba') Xarafka labaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur