jab
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-bab, m.l)
Macnaha:
- 1. Wax qaybsamay ama burburay in ka mid ah. 2. Lafaha, qoryaha iwm kala go' ama dillaac ku dhaca. 3. Fal natiijo xumi ka soo baxdo.
- (daaw.) Jab lafeed oo dhammeystiran ama bacran ah.
- 1. Wax dillaacid ama kala go'id. 2. Col iwm guuldarro la kulmid. 3. Geed, dhismo iwm dumid. 4. Badeeco qiimeheeda hoos u dhicid.

