jiilaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-llo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Afarta xilli mid ka mid ah, oo u dhexeeya dayrta iyo gu'ga; diraac. 2. Xilli kastoo aan roob iyo barwaaqo lahayn (siiba diraacda iyo xagaaga).
  2. (c.fal.) Loolalka dhexe, waa xilliga ku xiga dayrta, cilmiga gibilka wuxuu ku dhammaadaa kubbad-badhka waqooyi min hornaqa jiilaalka (ilaa 22 disembar) ilaa caanomaallada isle'eg ee gu'ga (ilaa 21 maarso).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

diraac

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Afaarta xilli oo sanadku u qaybsamo, mid ka mid ah oo u dhexeeya dayrta iyo guga; jilaal. 2. Xilli barwaaqo ah oo guga bartamihiisa ah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Wax qabad; samays. 2. Ficil. 3. Sixir. 4. ld falid.
  2. (nax.) Qayb ka mid ah koox naxweedda isbedbeddesha, waxayna tilmaantaa wax la sameeyo ama wax la ahaado. Tus. “Guuleed wuu yimid”, “Sucaad way kortay”. F. gudbe: waxaa lagu magacaabaa fal u baahan layeele toosan si uu u hawlgalo sida “arag”, “cun”, “taabo”. Tus. “Sabriye ayaa tufaaxa cunay”; f. magudbe: fal aan oggolaanayn in uu si toos ah u yeesho layeele sida “soco”, “buub”, “weynow”. Tus. “Ismahaan baa soo socota”, “Ismahaan baa u soo socota dugsiga”; f. sifo: waxaa jira falal aan muujinayn waxa uu qabto yeeluhu, balse muujiya xaaladda uu ku suganyahay iyo sifadiisa; falalkani waxay mar waliba ay ku tiirsanyihiin fal “ahaansho”. Tus. “Gabadhu way wanaagsantahay”.
  3. 1. Wax samayn. Tus. “Arrintan anigaa falay”. 2. Wax sixrid. 3. Beer qodid. Tus. “Beertii baan soo falay”. 4. Dhul bannayn. Tus. “Ciisaa dhabbe falay”. 5. Harag jilcin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur