kiil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Beeg; miisaan; qiyaas; cabbir. 2. Bilow ciyaareed (turub).
  2. 1. Wax cabbirid, beegid. 2. Ciyaar turub bilaabid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

beeg

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld beegmo. Raashinka la cuno, sida badarka, sonkorta, timirta iwm cabbirkooda. 2. ld beegid.
  2. 1. Suus, madaal, shood iwm wax ku miisid. 2. Ku b.: wax, wax kale ku toosi. beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.) m.l (fiis.) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

miisaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qalab wax lagu cabbiro. 2. Culeys; culaab.
  2. Miisaan wax ku cabbirid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qiyaas

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
  2. 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
  3. 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cabbir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qiyaas lagu heshiiyey oo caddeyneysa wax dhererkiisa, muuqiisa iwm. 2. Habka loo qiyaaso dherer, mug, culays iwm. 3. Qalab lagu cabbiro wax dhererkiisa, culayskiisa, muggiisa iwm.
  2. 1. Wax dhererkiisa xisaabid; culayskiisa miisaamid; muggiisa beegid. 2. Fikrad iwm sheegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur