qiyaas
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- (dii.) Qayb ka mid ah tiirarka sharciga Islaamka oo la adeegsado marka arrin la xukumayo laga waayo quraanka, xaddiiska iyo ijmaaca.
- 1. Cabbirka xag mug, dherer iyo culays ee wax leeyahay. 2. Oddoros; male.
- 1. Mugga culayska, iyo dhererka ee wax leeyahay cabbirid. 2. Wax oddorosid. 3. Ku q.: wax in ay wax kale la egyihiin iyo in kale ku eegid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

