maaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.
  2. ld maado.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

awood

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa.
  2. (fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).
  3. (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

karti

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Awood u suurtaggelineysa qof inuu hawl si fiican u qabto.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

tamar

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld tabar.
  2. (fiis.) Summad: E. Astaanta qabashada hawl. T.ta waxay leedahay dhawr qaab, waxana lagu cabbiraa juul (J) (eeg t. keyd iyo t. socod). ld tabar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

maado

Qaabnax: Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3

Isrogrogga: (-aatay, -aadatay)

Macnaha:

  1. Ka m.: halis iska ilaalid. ld maaro².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur