daawo

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld taawo¹.
  2. 1. Maaddo cudurrada, nabarrada, dhaawaca iwm lagula tacaalo. 2. Heshiis iskaashi oo cid ka dhexeeya. 3. Maaro; xal. ld dawo.
  3. Wax in muddo ah indhaha ku hayn.
  4. (daaw.) Walax kasta oo saameysa qaabka iyo shaqada noole. Daawoyinka waxa loo isticmaalaa ka hortagga, cudur aqoonsiga iyo daaweynta cudurrada iyo baabi'inta astaamahooda.

maaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.
  2. ld maado.

xal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.
  2. Biyo yar oo wax lagu dhaqay.
  3. Biyo yar weel ku mayrid.

taawo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. ld daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.
  2. ld taawin.

dawo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld daawo1. ld dawaco.