xal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Maaro; mushkilo ama mas'alo maaro u helid.
  2. Biyo yar oo wax lagu dhaqay.
  3. Biyo yar weel ku mayrid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

maaro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Tab mushkilad lagu xalliyo. 2. Awood; karti; tamar. 3. Jid khatar ah.
  2. ld maado.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur