magac
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-cyo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan.
- (nax.) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm).

