makaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Hooy; guri. 2. Ilmagaleenka haweenka.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

hooy

Qaabnax: Urur Jagaale | Collective Ordinal

Macnaha:

  1. 1. War h.!: erey qof lala hadlayo dareenkiisa lagu soo jeediyo; waryaa! 2. Naa h.!: marka qof haween ah lala hadlayo ayaa la adeegsadaa naayaa. 3. Hooyaay!: marka dad badan lala hadlayo ayaa la adeegsadaa waryaadahee.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

guri

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ryo, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Hooy; aqal. 2. G. ah: nafley heshay difaac ka celiya waxyeellada cudur horay ugu dhacay.
  2. 1. Nafley irmaan, maalid iyo nuugid ka dhaafid. 2. La g.: cid xumo wadda la sii wadid, si loo tuso waxyeelladeeda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur